Tariikhda shirkada & hormarkay ku talaabsatay

 

Eebe ayaa Mahad oo dhami usugnaatay Nebigeenii nabadgalyo iyo naxariis kor kiisa ha ahaato.

Ugu horeyn shirkadda Somali Livestock & General Trading Co waxaa asaasay Cumar Ismaciil Waaberi oo ah Gudoomiyaha shirkada Iyo Xuseen Saciid Maxamud oo ah Gudoomiye ku-xigeenka shirkada.

Shirkadu waa shirkad baalaaran oo ay sheer ku leeyihiin dad badan oo kale oo wadanka gudihiisa iyo dibadiisaaba ku kala sugan dhamaantood na waa dad soomaliyeed oo ka soo kala jeeda gobolada soomalida badankood.

Shirkada Somali Livestock & General Trading Co waxay bilowday shaqada Xoolo dhoofinta Sanadkii 2005, Waxay shirkadu dhoofisay mudaday jirtay xoolo Malaayiin ah oo isugu jira Geel,Ari,Lo shirkadu waxay laamo kuleedahay Wadanka Soomaliya oo dhan sida Boosaaso-Puntland oo Xarunta shirkada ah.

Wadamada xoolaha aan u dhoofino waxaa ka mid ah Sacudi- arebia.Oman,Emarat,Masar,Djabuti,Yaman.

Shirkada Somali Livestock & General Trading Co waa shirkadii ugu horaysay oo isku xil qaanta inay raadiso suuqweyn oo xoolaha soomalidu helaan iyadoo ka duulaysa mas’uuliyad ay isu saartay dalkeeda iyo dad keeda maadaama xooluhu yihiin laf-dhabartii dhaqaalaha umada soomaliyeed ku na tiirsantahay.

Shirkada Somali Livestock & General Trading Co baadigoob dheer oo ay qaaday mudo laba sanadood iyo dheerad ah waxay ku quulaysatay inay hesho suuqa ugu muhimsan dhinaca xoolaha ama ugu ba wayn aduunka oo dhan waa suuqa Saudi-arebiya khaasatan hadyiga xujeyda beytulaahi al-xaraam ee bankiga Islamka, iyadoo hada ku guulaysatay 4 sanoo isku xigta inay xoolaha soomalidu ka mid noqdaan xoolaha xujayda calamka oo dhami ku xisaabtanto.

Shirkada Somali Livestock & General Trading Co waa shirkada ugu weyn wadan ka soomaliya dhinaca dhoofinta xoolaha, shirkada waxay dhinaca sacudi areebiya xiriir kala leedahay Shirkada Al-jaabiri oo ah shirkada ugu weyn ee qaadata Hadyiga iyo Adaaxiga ee Xujayda Beytulaahi Al-xaram, Sanad walba Banki Islami ku guulaysata.

Shirkada Somali Livestock & General Trading Co intii ay jirtay wax yaalaha ugu muhimsan oo ay ku guulaysatay dad ka soomalida na ku soo kordhisay waxaa ka midah :-

    A- Xoolaha soomalida oo ilaa intii dawladii dhexe ee soomaliya burburtay aan helin suuq lagu xisaabtami karo ay suuq geyn u samaysay sidaan wada ognahay xoolaha soomaliya waxaa lageeynjiray suuqyo aan marka hore looga soo samayn dalab ama qiime lagu la soo heshiin waa la iska rarijiray iyadoo loo dirayo wadamada Emarat iyo Oman. Ka dibna qofka ganacsadaha ah oo xolahan iska leh waxay ku ka lifijirtay inuu deyn aan xadidnayn micnaha wakhti iyo qoraal midna aan lahayn ku siiyo ganacsato ajaanib ah oo wadamadaas aan udhalan oo xeryo kiro ah ku haysta markaas na uu haduu wax ka helana qaato hadii ladhacana ka huleelo isagoo xagaa soomaliyana lagayaabo inuu dad xolahan deynkaga soo qaatay,
    Anagoo arintaas kadhiidhinay waaxaan ku guulaysaanay ilaahay fadligiis inaan dadka somaliyeed lacagtooda ugu geeyno baadiyaha iyagoo xooluhu ujoogaan intaan magaalaba lasoo gaarin taas oo wax weyn 4sano wax badan ka bedeshay dhagaalihii wadanka guud ahaan.
    B- Maxjar caafimaadka xoolaha lagu baaro intaan la dhoofin midkii jiran lagu daweeyo midkii daciif ah ama wayd ama caato ahna lagu reebo si xoolaha soomaliya ula tartamaaan xoolaha aduunkaa kale sida Ustareliya iyo Suudaan oo kale ayaan ka hirgelinay magaalada boosaso oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan soomaliya dhinaca ganacsiga iyo udhowaanta wadamada khaliijka oo aad uqaata xoolaha soomalida intaan maxjarkaan ladhisin waxaa dhici jiray in xoolahaa soomalida dhinaca sumcadoodu aad uga dhacday wadamadaa loo iibgeeyo iyadoo sababtu ahayd iyadoo aan wax isxilqaan ah ama masuuliyada ah la iska saarijirin xoolaha iyagoo la rarijiray noocwalboo uu yahay haduu jiranyahay ,caato yahay,yaryahay,iyo muuqaalkastoo uu markaas leeyahay lagaa fekerijirin neefka in ladaryeelo oo lasiiyo bad ku filan lamasaarijirn gaadiid u qalma waxaa loo rarijiray sidii wax aan naflahayn oo kale micnaha sida loo raro raashinkoo kale waxaa dhicijiraay hadii xaanuuno ka dhaco wadamada aan deriskaa nahay sida kenya iyo itoobiya iyo meelo kasii fogba haduu xanuun ka dilaaco waa lajojiyaa xoolaha soomalida dawladaha kale madareemaan ilayn dhaqaalohoodu kuma tiirsana xoolaha uune laakiin dadka soomaliyeed waxaaa gaara dhaawac aan lasoo koobikarin waa arinta nagu kaliftay inaan ka gelgilano oo aan wakhtibadan gelino hirgelinta maxjaarkaan hada dhamaaday ayna Maxajarkaan oo ah maxjar caalami ah oo ay aqoonsantahay (World Organization for Animal Health O.I.E ) sidookale wadamo badan oo khliijka ah aqoonsanyihiin oo wakiiladoodu booqdeen Maxjarka. Iyo wada makaloo badan oo ay ka mid tahay Lubnaan oo wafdi usoo dirtay Magaalada boosaaso.
    C- Faamam:- Waxaan kaloo saamaynay meelo xoolaha lagu naaxiyo iyadoo aan kabiloownay gobolka karkaar gaar ahaan magaalada qardho dooxada Aado runtii barnaamijkaan waa mid aad u balaaran waxaana gorshaha noogu jira inaan gaarsiino wadankaa soomaliya oo dhan sidaad wada ogtihiin wadanka soomaliya waxaa kadhacay xaalufin dhirtii ayaa lajaray oo lagashiday dhuxul markaas ayaa waxa dhacay in raxmadii yaraato oo dhulkii roobla’aan noqdo,
    waxaa dhacday inaan dhulka qaybo roob helin sanado badan guud ahaana roobku waaba ku yaraaday wadankaa soomaliya iyadoo ay sabab utahay dunuubta faraha badan oo lagelayo haday noqon lahayd dhiigii rabi xarimay oo ladaadinayo iyo dhirtii oo la xaalufiyey iyadoo jariimo kale ah iyo macaasi kaloo farabadan hadaba anagoo aan u aragnay waaqica dadkeenu ku noolyahay waxaan gu’aaminay inaan samayno dhul balaaran oo xoolaha lagu naaxiyo caws farabadana lagu beero si aan xiliga abaaruhu dhacaan dadka reer guuraaga ah u kaalmayn karno sidoo kale inaan u horseedno umada soomaliyeed horumar si ay noo gaga daydaan oo loo helo inay gartaan in dhulkooda iyagu ku noolyihiin loo na baahan yahay in loo fekero mustaqbal foq ee aan loo fekerin maxaad maanta cuntaa.
    D- Maalgashi:- Shirkada Somali Livestock & General Trading Co wax yaalaha ay ku taalaaabsatay intay jirtay waxaa ka mida inay ku qancisay ganacsato aan udhalan wadanka soomaliya inay wadanka maal-gashadaan si loo buuxiyo baahida taagan sidaad wada ogtihiin intiina aduunka manta horay umaray arkay waxaa aduunku ku tartamaa maal-gashadayaasha si wadanku ugaaro horumar oo loo la daagaalamo,shaqo la’aanta,loo sameeyo warshado,loo hormariyo wax soosaarkaaga,loo hormariyo wax yaalaha aad dhoofiso,loo hormariyo beeraha iyo wax kastoo aad ubaahaantahay aduunka maanta aan ku noolnahay waxaa la ogaaday inay muhiimtahay in la iskaashado anagoo ka fekernay in baahi loo qabo cid dhaqaale haysata oo aan uga faaiidaysano .

    horumarinta wadanka ayaan ku qaancinay ganasatadaan wadamadaa khaliijka gaar ahaan Emaraatka Dawladaa Rasalkhaymo iyo Ganacsadaha Sacuudiga ah ee Saleeban Saciid Aljabiri oo maamula Kambaniga Aljaabiri inay Maal gashi ka samaaystaan wadanka soomaliya taas oo ay naga yeeleen anagoo hadaf kayagu ahaa in horumar dedega aa la gaaro maadaama awooda aan markaa haynay yartahay ilaahay mahadiis waana taas maanta dadka soomaliyeed ku samata bexeen.

Qore Gumoomiyaha Somali Livestock & General Trading Co
  Omar Ismail Waaberi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *